XOG: Daacishta SOMALIA oo si xad dhaaf ah ugu qulquleysa dalka YEMEN

XOG: Daacishta SOMALIA oo si xad dhaaf ah ugu qulquleysa dalka YEMEN

- in NEWS2
1005
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Wararka naga soo gaaraya deegaanada maamulka Puntland ayaa sheegaya in maleeshiyaadka dhawaan ka goostay Al-shabaab ee la magacbaxay Daacishta Somalia kuna sugan Buuraha Galgala ay bilaaben inay u baxsadaan dhanka dalka Yemen.
Wararku waxa ay sheegayaan in la arkaayay dagaalyahaano dhowr ah oo ka tirsan Daacishta Somalia kuwaasi oo doonyo uga baxaayay xeebaha Puntland, iyaga oo kusii jeeda dalka Yemen.

Dagaalyahaanadaani ayaa la sheegay inay adeegsanayeen doonyo dhawaan laga qafaashay shirkado ka shaqeysta kaluumeysiga, waxaana la sheegay inay ku biirayaan dagaalada ka socda dalka Yemen.

Maleeshiyaadkaani ayaa la sheegay in xeebaha Puntland ay uga baxayaan qaabab kala duwan, waxa uuna ujeedkoodu yahay inay faarujiyaan Buuraha Galgala, maadaama ay ka dhaqaaqi la’ yihiin maleeshiyaadka Al-shabaab.

Maamulka Puntland ayaa ciidamo farabadan dhoobay xeebaha Puntland kuwaasi oo si gaar ah ula soconaaya dhaqdhaqaaqyada Daacishta Somalia, inkastoo aysan ciidamadu wali qaban dagaalyahaano safar ka ah Xeebaha Puntland.

Maamulka Puntland ayaan wali ka hadal qulqulka Daacishta Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

Télé Djibouti Chaine Youtube : J.T. Somali de 20h du 25/04/2017