Xasan Shiikh oo ka hadlay xiliga uu qabsoomayo fadhiga ugu horeeya ee baarlamanka cusub ee Somalia

Xasan Shiikh oo ka hadlay xiliga uu qabsoomayo fadhiga ugu horeeya ee baarlamanka cusub ee Somalia

- in News
325
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Max’uud ayaa sheegay in 15-ka bishan uu furmi doono fadhigii ugu horreeyey ee Baarlamanka cusub ee federaalka Soomaaliya.

Xasan Shiikh Max’uud ayaa farriintiisa ku biilaabay tacsi uu u diray shacbiga, taasoo ku aaddan dhibaatooyinka ay u gaysteen wax uu bugu yeeray kooxaha argagixisada, isagoo ciidammada ammaanka Soomaaliya ku amaanay doorka firfircoon ee ay ka qaataan sugida amniga.

Madaxweyne Xasan Shiikh, ayaa sheegay in dagaalka Soomaaliya ku jirto uu yahay mid caalami ah kana dhan ah argagixisada, shacabka Soomaaliyeed ayuu madaxweynuhu ugu baaqay in ay qaybtooda ka qaataan dagaalkaasi.

Soomaaliya ayuu sheegay iney 47 sanno ka dib ay doorashooyin ka dhacayaan, taasoo lagu gaaray bisayl siyaasadeed oo dadka Soomaalida ah ay sameeyeen, waxaana uu ku ammaanay dowlad gobolleedyada iyo guddiga arrimahaasi ku howlahan sida ay u guteen waajibaadkooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa sheegay in fadhigii ugu horreeyey ee Baarlamaanka labada aqal ee cusub uu furmi doono sida qorshuhu yahay 15-ka bishan, gacantana lagu hayo howshaasi, isagoo faray maamulka Baarlamanka inay dedejiyaan qabsoomidda kulankaasi oo sidoo kale lagu dhaarin doono xildhibaanada cusub.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo caalamka iney u gurmadaan dadka ay abaaruhu ku dhufteen ee ku dhaqan gobolada dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

The Great Grandson of Umar r.a – Umar Ibn Abdul Aziz (HD)