Xasan Cali Kheyre: Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya. (Xog kooban iyo Qabiilkiisa)

Xasan Cali Kheyre: Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya. (Xog kooban iyo Qabiilkiisa)

- in News
417
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

 

Xasan Cali Kheyre: Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya. (Xog kooban iyo Qabiilkiisa)

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Xalay magacaabay magacaabay Ra’iisul wasaarihiisa cusub, waxaana xilkaas loo magacaabay Xasan Cali Kheyre.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Xalay magacaabay magacaabay Ra’iisul wasaarihiisa cusub, waxaana xilkaas loo magacaabay Xasan Cali Kheyre.

Mr. Kheyre waa soomaali heysta Dhalashada Dalka Norway, wuxuuna horey uga soo shaqeeyey hay’adda Qaxootiga ee loo yaqaan Norwegian Refugee Counsil oo uu wakiil uga ahaa dalal ku yaalla Afrika.

Xasan Cali Kheyre oo kasoo jeeda Beesha Murusade ee Hawiye wuxuu ka mid yahay Madaxda Shirkadda Som Oil and Gas ee uu aas aasay Siyaasiga British ka ee Mechael Howard oo horey u hoggaamin jiray Xisbiga Conservative ka ee Ingiriiska.

Xasan, wuxuu Shirkadda Som Oil And Gas wakiil uga yahay Qaaradda Afrika, waxayna Kooxda Monitoring Group ee qaabilsan cunaqabateynta Waddamada Somaliya iyo Eriteria ugu eedeysay inuu Xiriir la leeyahay Kooxda Alshabaab. hase yeeshee Baaritaan ay sameysay Dowladda Ingiriiska ayaa lagu waayey wax caddeyn ah oo muujinaya xiriirkaas.

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waa nin aqoon yahan ah oo xiriiro badan la leh Dowlado Dano Ganacsi ka leh Soomaaliya sida Dalalka Norway iyo Ingiriiska. waana Ganacsade Hanti badan heysta.

waxaa la sheegaa inuu xiriir wanaagsan la lahaa Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo Dowladdiisa la sheegay inay Lacag Laaluush ah ka qaadatay Shirkadda Som Oil &Gas, laakiin Baaritaan ay Dowladda Ingiriisku sameeysay ayaa lagu waayey wax caddeyn ah oo muujinaya eedahaas

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

Djibouti: Discours du président Ismail Omar lors de l’inauguration du port 24/5/2017