Weerar is miidaamin ah oo lagu qaaday saldhig ay ciidamada Jabuuti ka deganyihiin magaalada Beledweyne

Weerar is miidaamin ah oo lagu qaaday saldhig ay ciidamada Jabuuti ka deganyihiin magaalada Beledweyne

- in News
325
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Weerar is miidaamin ah oo lagu qaaday saldhig ay ciidamada Jabuuti ka deganyihiin magaalada Beledweyne

 

Weerar is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaari weyn oo lagasoo buuxshay waxyaabaha qarxo ayaa waxaa maanta lagu qaaday saldhig ay ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah AMISOM ku leeyihiin dhanka galbeed ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Weerarka oo ay masuuliyadiisu sheegatay Xarakada Alshabaab ayaa waxaa ku geeriyooday tiro askarta Jabuuti ah iyo weliba dad rayid ah halka tiro kalena ay ku dhaawacantay.

Alshabaab ayaa waxa ay sheegatay inay weerarka is-miidaaminta ah ku dishay in ka badan 17 askari sidoo kalena tiro intaas ka badan ku dhaawacday balse ciidamada Jabuuti ayaan si rasmi ah uga hadlin qasaaraha kasoo gaaray weerarkaas oo ahaa mid aad u xoogan.

Saldhiga weerarka lagu qaaday ayaa waxaa soo gaaray bur bur ayada oo ay sidoo kale dhismooyin ka ag dhowaana soo gaareen bur bur.

Alshabaab ayaa xoojisay weerarada ay ku hayso ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

The Great Grandson of Umar r.a – Umar Ibn Abdul Aziz (HD)