Wasaaradda Waxbarashada ee somaliya oo sheegtay in 3 Jaamacadood ay xirmeen

Wasaaradda Waxbarashada ee somaliya oo sheegtay in 3 Jaamacadood ay xirmeen

- in News
493
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in qaar ka mid ah Jaamacadaha ka jira dalka ay xirmeen kadib markii ay buuxin waayeen shuruudihii looga baahnaa Jaamacaddanimada.

Ismaciil Yuusuf Cismaan, Agaasimaha Tacliinta sare ee wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya,ayaa shegay in 3da Jaamacadood ee xirmay ay lumiyeen tayada waxbarashada Jaamacadda laga rabo.

Waxaa uu sidoo kale ka hadlay in Jaamacad kasta laga rabo Macallinka ugu yar ee heerka waxbarashada uu heysto darajada 2aad ee Jaamacadda ama Master,s iyo wixii ka sarreeya.

Agaasime Ismaaciil,ayaa sheegay in Wasaaradda ay diyaarisay sharciga Jaamacadaha islamarkaan aay dhawaan isu keenayaan Jaamacadaha ka jira dalka oo dhan,islamarkaana ay horgeyn doonaan xeerka Jaamacada kadibna la sameynayo Guddiga Tacliinta sare ee dalka.

Guddigaas ayuu sheegay in ay sameyn doonaan halbeeggada Jaamacad kasta looga baahan yahay,waxaa uu intaa ku daray in dowlad Goboleedyada ka jira dalka ay la kaashan doonaan dhismaha Guddigaas iyo dajinta xeerarka Jaamacada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

Sir Culus Daawo Ciidamada Itoobiya Ee Somaliya Jooga oo Alshabaab Hubkagatay Kadibna Baxsaday