Wariye Magaalada Muqdisho Lagu dilay

Wariye Magaalada Muqdisho Lagu dilay

- in News
482
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Weriye ka tirsanaa Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa goor dhow lagu dilay degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Weriyaha la dilay oo lagu magacaabi jiray Cabdicasiis Cali Xaaji ayaa waxaa lagu toogtay xaafada Jiiro garoob oo ka tirsan degmada Yaaqshiid.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in kooxo hubeysan oo watay Mooto bajaaj ay weriyaha toogteen, iyagoo ka dibna goobta ka baxsaday.

Agaasimaha Idaacada Shabelle C/Malik Yuusuf Maxamuud ayaa warbaahinta Muqdisho u xaqiijiyey dilka weriye Cabdicasiis Cali Xaaji oo aan aheyn weriyihii ugu horeeyey ee laga dilo idaacada Shabelle.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

Daawo MD Farmaajo oo Go’aan adag ka qaatay Somaliland Midnimo ugu Baaqay 26 June