Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay diyaarado dagaal ay duqeeyeen deegaanka Tooratoorow oo qiyaas ahaan 75 Km dhinaca waqooyi kaga beegan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay diyaarado dagaal ay duqeeyeen deegaanka Tooratoorow oo qiyaas ahaan 75 Km dhinaca waqooyi kaga beegan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

- in News
332
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay diyaarado dagaal ay duqeeyeen deegaanka Tooratoorow oo qiyaas ahaan 75 Km dhinaca waqooyi kaga beegan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelah Hoosea .

Duqeymaha lala bartilmaamsaday Saldhigyada Al Shabaab ayaa la soo sheegayaa in ay ka dhasheen khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka Tooratoorow ayaa BANA u xaqiijiyay in duqeynta kadib Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Ajnabi ah ay ka soo daateen diyaarado dagaal ayna dagaal fool ka fool ah halkaas kula galeen dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab.

Lama oga khasaarooyinka rasmiga ah ee ka dhashay duqeymaha iyo iska hor’imaadka xigay.

Warar ayaa sheegaya in Dagaalyahanada Al Shabaab ay isaga baxeen deegaanka Tooratoorow kadib weeraradaasi.

Saraakiisha Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Shabeelaha Hoose oo BANA saaka xiriiro kala duwan ay la sameysay ayaa waxa ay ka gaabsadeen faafihinta howlgalkaasi.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa isi soo tarayay weerarada cirka ee ka dhanka ah Al Shabaab kuwaas oo ka dhaca meelo ay ka mid tahay Gobolka Shabeelaha Hoose.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

Suaashii Ugu Saameynta Badnayd Ee La Weydiiyay Siyaad barre 1972 gii