War Deg Deg ah Weerar Ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

War Deg Deg ah Weerar Ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

- in NEWS2
428
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Wararka inaga soo gaaraya isgoyska Cali-kamiin ee degmada Warta-nabadda ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow halkaasi uu isku qarxiyay nin la sheegay in uu watay Mooto.

Qaraxa ayaa la sheegayaa inuu ahaa weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday Mooto, kaasi oo lagu weeraray Ciidamo ka tirsanaa Dowlada kuwaasi oo xiliga ismiidaaminta ku howlanaa shaqooyinkooda caadiga ahaa.

Weerarka ayaa waxaa fuliyay wiil dhalinyaro ahaa kaasi oo iska dhigay mid isticmaalaaya wada isaga oo ku jaray Ciidamada sidaana ku fuliyay weerar uu ka dhashay khasaaro kala duwan.

Ku dhawaad Toban ruux oo u badnaa Ciidamada Dowlada ayaa weerarka ku dhaawacmay kuwaasi oo loo qaaday goobaha Caafimaadka.
Weerarka ayaa sidoo kale waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho oo aan cadadkeeda wali la xaqiijin.

Hay’adaha amaanka Dowlada ayaan wali ka hadal weerarka ismiidaaminta ah ee Mootada loo adeegsaday

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

POLICEKA SUCUUDIGA OO AFDUUB JIRDIL IYO KUFSI U GEYSTEY HABLO SOOMAALIYEED OO JIDAH KU SUGAN