War deg deg ah: Dilalka oo Muqdisho ku soo batey iyo Ganacsade caawa la diley

War deg deg ah: Dilalka oo Muqdisho ku soo batey iyo Ganacsade caawa la diley

- in News
360
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Kooxo hubeesan oon heebtooda la garan ayaa caawa Degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir waxa ay ku dileen Mid kamid ah Ganacsatada magaalada muqdisho.
ALLAHA U NAXARIISTO Ganacsadaha la dilay oo lagu magacaabo Cismaan Tiirey ayaa lagu dilay afaafka hore ee Masjidka Dabaqeynka ee kuyaala xaafada Suuqa Xoolaha ,kooxihii dilka geestay ayaana goobta si deg deg ah uga baxsaday.

Ganacsadaha la dilay ayaa kamid ahaa masuuliyiinta Xaafada Daaru Salaam ee magaalada Muqdisho, walina lama oga cida dilka u geesatay ganacsadahaasi oon wax shaqo ah ku laheyn siyaasada isdiidan ee dalka ka jirta.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmahan ku soo batey Dilal loo geysto Shacabka, Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Odayaasha Dhaqanka, mana jirto cid wax ka qabata.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

Warbixin :Fidel Castro iyo Somaliya