Wadan Yurub ka mid ah oo bilaabey masaafurinta Imaamyada Masaajidda

Wadan Yurub ka mid ah oo bilaabey masaafurinta Imaamyada Masaajidda

- in News
216
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Wadaadada Muslimiinta ee Ajanabiga ah ee ku sugan Dalka Netherlands ee lagu helo iyagoo misaajidada ka jeedinaya wacdi ku salaysan naceyb ama buunbuuninaya Argagaxisada iyo Ficiladooda ayaa muteysanaya in laga masaafuriyo Dalka Netherlands.
Warka waxa uu intaas ku darayaa in Imaamyada haysta dhalashada Netherlands ee lagu helo isla dambiga aan kor ku soo xusnay la gala laabanayo dhalashada ama laga qaadayo Baasoboorka, sida uu sheegay wasiirka arimaha bulshada Lodewijk Asscher oo la hadlay wargeyska Telegraaf.
“Haddii Imam ka imaanaya Suuriya oo doonaya in uu halkaan ka wacdiyo, ujeedkiisana uusan aheyn in uu u wacdiyo qaab nabadeed, uma ogolaanayno dal ku galka ama Visaha, sidoo kale xaalka ayaan ku adkaynaynaa Imamyada Hollandeeska ah ee halkaan ku soo korey ee jeediya wacdiyada ku salaysan naceybka” sidaasi waxaa yiri Asscher
M ahan markii ugu horeysay ee wadaadada Muslimiinta ee lagu tuhmo khudbadaha ku salaysan naceybka loo diido dal ku galka waxaa ay dhacday 2003 iyo 2007 dii oo wadaado noocaas ah loo diiday dal ku galka qaar kalena laga musaafuriyay Dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

Saudi Arabia, Djibouti sign MoUs, agreement

RIYADH: Two memorandums of understanding (MoUs) and a