Urur Yahuudi ah oo bilad sharaf siiyey gabar Soomaaliyeed + sababta

Urur Yahuudi ah oo bilad sharaf siiyey gabar Soomaaliyeed + sababta

- in Archives, NEWS2, Openion
950
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Bilan Osman oo ah gabar Soomaaliyeed oo si joogto ah wax uga qorta arimaha cunsuriyada iyo xuquuqda bani’aadamka ayaa ku guuleysatay bilada lagu magacaabo Elsa-priset iyadoo la siin doono 20.000 Koron, taasoo u dhiganta 2700,94 US Dollar.
Bilan ayaa isbuuciiba mar mowduuc ku qorta bogga caanka ah ee Expressen, iyadoo sidoo kale macalin ka ah hay’ada Expo.
bilan-osman
Bilada Elsa-priset ayaa waxaa bixiya urur lagu magacaabo Svenska kommittén mot antisemitism (SKMA) kaasoo ka shaqeeya is hor istaaga naceybka ka dhanka ah Yahuuda, waana urur ay ku midoobeen dad Yahuud u badan oo siyaasadiisu ku saleysan tahay afkaar Yahuudeed.
Ururka oo ka hadlaya sababta Bilan loo siiyay bilada ayay yiraahdeen“Anagoo eegayna sida xooga leh oo ay uga soo horjeesatay nuucyada cunsuriyada ee ka dhanka ah dadka Afrikaanka, Muslimiinta, romada, yuhuuda iyo dadka kale ayaa Bilan ay tahay cod xoog leh waqti ka hortaga cunsuriyda uu yahay mid aan waxtar lahayn”
645@70
Bilan oo ka hadlaysa bilada la siiyay ayaa sheegtay in lacagta ay u isticmaali doonto in ay safar waxbarasho ku tagto xerada Auschwitz oo ku taala Poland taasoo ah goobtii uu Hitler ku gubay yuhuuda dagaalkii labaad ee aduunka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

Djibouti: Discours du président Ismail Omar lors de l’inauguration du port 24/5/2017