Taliyihii ugu sareeyay Ciidamada Itoobiya ee ka howlgala Soomaaliya oo la badalay

Taliyihii ugu sareeyay Ciidamada Itoobiya ee ka howlgala Soomaaliya oo la badalay

- in News
369
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

 

Daawo Sawirada: Taliyihii ugu sareeyay Ciidamada Itoobiya ee ka howlgala Soomaaliya oo la badalay

Dowlada Itoobiya ayaa is badal ku sameesay Hogaanka Ciidankeeda ka howlaga Soomaaliya gaar ahaan kuwa wata Magaca AMISOM, waxaana isbadalkaasi uu noqday mid saameeyay Taliyaasha ugu sareeya Ciidankaasi .

 

 

Dowlada Itoobiya ayaa is badal ku sameesay Hogaanka Ciidankeeda ka howlaga Soomaaliya gaar ahaan kuwa wata Magaca AMISOM, waxaana isbadalkaasi uu noqday mid saameeyay Taliyaasha ugu sareeya Ciidankaasi .

Munaasabad ka dhacday xaurnta Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa lagu shaaciyay in la badalay Major General Mohammedesha Zeyinu oo ahaa Hogaanka ciidanka dalka Itoobiya ee Soomaaliya ka howlagala , waxaana sargaalkan xilka kala wareegay taliye kale oo cusub.

Waxaa ku sugnaa Munaasabada xil wareejinta saraakiishan Hogaaminaya Ciidanka Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka AMISOM Cismaan Nuur Subagle iyo Xubno kale oo katirsan Midowga Afrika.

Maj. Gen. Abreha Tesfay, ayaa noqonaya Taliyaha Cusub ee Ciidanka Itoobiya ee ka howgalaya Soomaaliya , waxa uuna sargaalkan ka mid noqonayaa saraakiisha sar sare ee Ciidamada AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya.

Dowlada Itoobiya waxaa Soomaaliya ka jooga Ciidamo aan tiradooda rasmiga ah la heyn, waxa ayna ciidamadan ka howlgalaaan qaar kamid ah gobolada Soomaaliya, waxaana cidamada Itoobiya la sheegaa in ay ku jiraan kuwa aan qeyb ka aheyn kuwa AMISOM magacooda ku howlgala.





Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

Djibouti: Discours du président Ismail Omar lors de l’inauguration du port 24/5/2017