Taariikhda Ra’isalwasaare Xasan Cali Khayre

Taariikhda Ra’isalwasaare Xasan Cali Khayre

- in News
352
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Muqdisho: Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa magacaabay Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

Waxa uu xilkan oo muddo laga sugayey u soo magacabay Xassan Cali Khayre oo ah nin dhalinyaro ah oo qurbe-joogta Soomaaliyeed ah, Xasan waa 49 jir waxa uu dhashay sanadkii 1968-dii waxa uu ku noolaa dalka Norway muddo dheer.

Waa maamulihii hore ee hay’adda NRC – Norwegian Refugee Council, waxa uu kamid yahay madaxda Sare iyo Saamileyda Shirkadda SOMA OIL & GAS oo ku leeyahay saami dhan $2,000,000 (laba milyan oo doolar )

Kooxda Xiriirka iyo dabagalka cunaqabaynta qaramadda midoobey ee dalalka Soomaaliya iyo Ereteria ayaa sheegtay sanadkii 2014-kii in Xasan Cali Kheyre uu Xiriir dhow la leeyahay Xarakadda Alshabaab balse Markii dambe ka noqotey eedeynteeda

Xasan Cali Kheyre waxaa kale oo Dadaal xoogan u gashay Dowladda Soomaaliya sidii u noqan lahaa Xoghaya Guud ee Urur Goboleedka IGAD balse ay suurto geli weysay Culeysyo diblomaasiyadeed oo ka yimid qaar ka mid ah dalalka Xubnaha ka ah Urur goboleedka IGAD

Wuxa uu degganaa Mudooyinkan dambe dalka Ingiriiska, oo xarun u ah shirkadda SOMA OIL & GAS.

Hassan Khaire waxa uu muddo ku dhow 14 Sano ka shaqeynayey Hay’adda NRC oo ka soo qabtay Xafiisyo Kala duwan oo ay ka mid tahay Agaasimaha Xaafiisyadda Soomaaliya iyo Kenya , Agaasimaha Geeska Afrika iyo Yeman , Isaga oo markii dambe ka ahaa Agaasimaha fulinta qaaradda Afrika.

Waxaa uu heystaa dhalashada dalka Norway dhinaca waxbarashadda Waxa uu Darajada 1aad ka heystaa Cilmiga maamulka Ganacsiga (Business Administration) ,waxaana uu ka qaatay Jaamacadda Oslo (University of Oslo) ee isla dalka Norway, sidoo kale daraja 2aad ee Master-ka ayuu ka qaatay Cilmiga Maamulka Ganacsiga (MBA) ee Dugsiga Ganacsiga ee Edinburgh ( Edinburgh Business School)

Magacaabista Ra’isulwasaaraha ayaa imaneysa maalin kadib marki madaxweyne Maxamec Cabdullaahi Farmaajo loo caleema saaray xilka madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa cumro iyo ka qeybgalka Shirka Waddamada Iskaashiga Islaamka ugu socdaalka Subaxnimaddii Hore ee Saaka dalka Sucuudiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa magacaabista Ra’isalwasaaraha kaddib waxaa uu ku soo qoray boggiisa Twitterka magacaabista raisalwasaare Xasan,waxaana uu codsaday in lala shaqeeyo ra’isalwasaare Xasan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

Djibouti: Discours du président Ismail Omar lors de l’inauguration du port 24/5/2017