Siilaanyo iyo Xasan oo hal arrin ka wada hadlaya + Geelle oo garwadeena

Siilaanyo iyo Xasan oo hal arrin ka wada hadlaya + Geelle oo garwadeena

- in NEWS2
920
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Waxaa dhawaan lagu wadaa in Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud uu kulan la qaato Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Kulanka labada Madaxweyne ayaa waxaa goobjoog ka ahaan doona Madxaweynaha dalkaasi jabuuti ismaaciil cumar geele iyo masuuliyiin dalkaasi ka tirsan, waxaana la filayaa in labada masuul ay kawada hadli doonaan Midnimada somalia.

Madxaweynaha ayaa waxa uu halkaasi gaari doona maalmaha soo socda, sida ay soo warinayaan Siyaasiyiin ku dhowdhow madaxweynaha.

Sidoo kale madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa maalinimadii shalay lagu waday inuu usii dhoofo dalka Jabuuti, balse waxaa ku imaaday hakat, kadib markii uu u dib dhacay arimo dhanka maamulkiisa ah.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo kala baxay Dowlada iyo Maamulka Somaliland ee ku aadan Safarada labada masuul balse warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madxaweyne Xassan iyo Axmed siilaanyo ay casuumaad rasmi ah ka heleen madaxweyne Geelle si labadaasi masuul ay uga wada hadlaan danaha midnimada Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

Djibouti: Les festivités du 40ème anniversaire au stade Gouled 26/6/2017