Shacabka reer Muqdisho oo ku dhex dabaashay cadaalad darro Laaluush iyo dhibaatooyin u gaar ah

Shacabka reer Muqdisho oo ku dhex dabaashay cadaalad darro Laaluush iyo dhibaatooyin u gaar ah

- in News1
195
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Shacabka reer Muqdisho ayaa ka cabanaya musuq-maasuq baahsan oo ka jira saldhigyada bilayska iyo maxkamadaha, iyagoo sheeganaya in kiisaskooda aan xal loo helin muddo bilo dhan inkasta oo ay bixiyaan laaluushka ay dalbadaan mas’uuliyiintu.

Iyadoo joogta dibedda maxkamadda gobolka Benaadir 25-kii June, ayay Safiya Sheekh Cabdi, oo ah hooyo 35-jir ah oo leh toddobo carruur ah kuna nool degmada Yaqshid, u sheegtay Sabahi inay daba joogto dacwad dhul oo ay January ka gaysay nin sheegtay inuu leeyahay dhul ay aabaheed ka dhaxashay.

Waxay sheegtay inuu ninku si sharci darro ah ku haystay booskeeda dhulka ah oo ah 300 oo mitir oo isku wareeg ah taniyo markii uu dagaalka sokeeye bilowday 1991-kii.

“Markii aan aniga iyo ninka sheeganaya inuu leeyahay dhulkeyga tagnay maxkamadda, waxay maxkamaddu aragtay inuusan haysan wax muujinaya lahaansho iyo inay waraaqahayga dhulku yihiin kuwii saxda ahaa,” ayay tidhi. “Intii ay amri lahayd in dhulkeeygii la igu soo wareejiyo, waxay maxkamaddu ku fashilantay inay caddaalad sameeyso waxaanan awoodi waayay inaan dhulkeeygii dib u helo.”

Safiya ayaa sheegtay inay qiyaastii $2,000 ku bixisay laaluush ay siisay mas’uuliyiin sare ee maxkamadeed taniyo markii uu kiisku bilowday waxayna hadda iska joojisay inay kiiska dabagasho kadib markii ay mas’uuliyiintii codsadeen lacag dheeraad ah.

“Mar walba oo aad saxiix uga baahato qof ka shaqeeya maxkamadda, qofkaasi wuxuu ku odhanayaa, ‘Anigaa hawsha kuu qabanaya ee ila heshii oo ii sheeg lacagta aad i siinayso,’” ayay tidhi. “Dayn aan asxaab ka soo qaatay ayay ahayd $2,000 oo aan ku bixiyay kiiskan waanan u sheegay dhammaan mas’uuliyiintii maxkamadda inaanan awoodin inaan baxsho lacag dheeraad ah.”

Safiya waxay sheegtay inay waraaq u qortay guddiga khilaafaadka dhulalka, kaas oo uu sameeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Janaraal Xasan Maxamed Xuseen Muungaab bishii May, waxayna ka sugeeysaa jawaab.

Saalax Muuse, oo ah 28-jir dukaan cuntada jumlada ah lagu gado ku leh degmada Xamar Weyne, ayaa sidoo kale raadsanaya hab kale ee uu caddaalad ku helo ka dib markuu sheegay inay bilaysku ku amreen inuu laaluush siiyo si ay uga hawlgalaan dacwadiisa.

Muuse ayaa sheegay inuu dacwad ka geeyay mid ka mida macaamiishiisa oo uu ku lahaa $500 muddo sannad ka badan.

“Waxaan is idhi dacwadaada u gee sharciga si aad lacagtaada u hesho, laakiin waxaan dareemay inuu sharcigu ku xidhan yahay lacag waayo markii aan tagay saldhigga bilayska ee Xamar Weyne waxaa la igu yidhi waa inaad bixisaa $20 oo ah waraaqda codsiga dacwada,” ayuu Muuse u sheegay Sabahi. “Waxaa ka dib la igu yidhi waxaad $50 siisaa saddexda askari oo soo xidhaysay ninkii aan dacweeyay iyo inaan saddex goor maalintii raashin u keeno dacweeysanaha intii uu ku jiro xabsiga ama aan bixiyo lacag [dheeraad] ah taa baddalkeed.”

“Waan ka soo cararay oo waxaan go’aansaday inaan raadsado qaraabada ninka aan ka cabanayo si ay lacagteeyda iiga qaadaan maadaama uu sharcigii dadka u kala gar qaadi lahaa noqday mid lacag ku saleeysan,” ayuu yidhi.

 
Saalax ayaa ugu baaqay Wasaaradda Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka inay wax ka qabato musuq-maasuqan baahsan ee hareeyay saldhigyada bilayska iyo maxkamadaha.

Maxamed Cumar, oo ah 54-jir, ayaa u sheegay Sabahi in uu gurigiisii shanta qol ahaa ee ku yaallay Dharkeeynlay oo loo xukumay qof kale sababta oo ah wuxuu awoodi waayay inuu bixiyo $500 oo laaluush ah oo uu ku yidhi bixi mas’uulkii dacwadda hayay markii uu dacwada xareeyay May 2013-kii si uu garta isaga ugu xukumo.

Markii uu diiday inuu bixiyo lacagta, waxaa lagu yidhi sug xukunka, kaas oo uu helay April 2014-kii.

Cumar ayaa sheegay inuu carruurtiisa ula cararay Kenya intii uu socday dagaalkii sokeeye uuna halkaas qaxootinimo ku joogay illaa iyo 2013-kii, ayna soo noqdeen markii la sameeyay dawladda rasmiga ah ee ku timid doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaan caddaalad ka sugayay maxkamadda gobolka Banaadir muddo sannad ku dhow is aan booskeeyga dhulka ah ugu helo qaab caddaalad ah anigoon bixin wax lacag ah, laakiin taasi waa ay suurtoobi wayday,” ayuu yidhi. “Gurigeeygii waxaa lagu wareejiyay qofkii aan isdacweeyneeynay anigoo arkaya. Qofkani wuxuu watay waraaqo been ah wuxuuna aqalkeeyga si sharci darro ah u haystay taniyo 1992-kii markii aan ka cararay [Soomaaliya].”

Dhibaatooyinka haysta ka sokow, Cumar wuxuu sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo dib-u-habeeynta garsoorka Soomaaliya ka dib markii uu baarlamaanku ansixiyay sameeynta Komishanka Adeegga Garsoorka.

Waraysi uu la yeeshay raadiyaha dawladda ee Radio Muqdisho 4-tii July, ayuu Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed ku sheegay in sameeynta komishanku tahay tallaabadii ugu horreeysay ee dib-u-hagaajinta hannaanka garsoorka iyo hubinta in Soomaalidu ay helaan nidaam garsoor oo la isku hallayn karo ahna mid loo siman yahay.

Hadafka ugu weyn ee loo hagaajinayo nidaamka waa in la sameeyo jawi horumarinaya caddaalad, oo ay ka mid tahay in la shaqaaleeysiiyo dad leh aqoon iyo anshax, in la dhiso tayadooda, iyo in la hubiyo inay shaqadooda u qabsan karaan si aan cabsi ku jirin, ayuu yidhi

Afhayeenka gobolka Benaadir Axmed Cusmaan Muxiyaddiin Showqi ayaa ka gaabsaday inuu faallo ka bixiyo eedeeymaha musuq-maasuqa iyo laalushka, laakiin wuxuu yidhi waa inay muwaadiniintu cabashooyinkooda hor keenaan guddiga khilaafaadka dhulalka oo la sameeyay May.

 
“[Guddigu] wuxuu xalliyay kiisas badan oo ay xallin waayeen maxkamadaha iyo nidaamka garsoorka,” ayuu u sheegay Sabahi. “Waxaan ku dhiirrinaynaa in qof walba oo ka cabanaya caddaalad darro uu la xidhiidho guddiga, anagana maamul ahaan uma dulqaadaneeyno inuu qofna qof kale dhulkiisa ku qaato sharci darro.”

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

Baarlamaanka Somaliya oo Cod Kalsooni ah Siiyay Wasiirada Cusub

Waxaa haatan soo gaba gabowday kalsooni siinta Golaha