HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 


 

Ciidamada Puntland oo dib u gurasho sameeyey iyo dagaalka oo socda gudaha laascaanood

Warkii 01-Oct-2007 iyo Qormadii:
 Saan idiin ku soo gudbinay wararkii hore ee saaka waxaa dagaal ku dhexmarayaa ciidamada Puntland iyo maleeshiyo beeleed taageersan maamulka Somaliland gudaha magaalada laascaanood ee gobolka Sool iyadoo warark udanbeeya ay sheegaya in ciidamada puntland ay magaalada uga baxeen dhinaca garoowe..

Dagaalka oo wali socda ayaan la ogaan  karin khasaaraha dhabta ah ee uu dagaalku keenay iyadoo saaka aroortii hore ay ciidamada puntland toogasho ku dileen  nin rayid ah oo marayey wadada laamiga ah ee magaalada dhexmarta..

Dagaalka saaka ka qarxay laascaanood ayaa kusoo beegmay ka dib markii madaxwayne ku xigeenka puntland xassan Daahir maxamuud uu ka sheegay idaacada BBCda barnaamijkeeda shalay in ciidamadiisu weerari doonaan koonfurta laascaanood hadii aanay odayaasha deegaanku ka rarin maleeshiyada qabsatay koonfurta laascaanood.

Labada dhinac ayaa waxay samaynayaa gurmad aad ubadan iyadoo ay ciidamada ka yimid garoowe iyo galkacayo la sheegayo inay soo gaadheen dhinaca bariga magaalada halkaas oo ay hada dib isugu urursanayaan iyaga iyo ciidamadii hore uga baxay magaalada

Waxaa iyana jira warar ka imaanaya dhinaca iyo adhi-cadeeye oo sheegaya inay jiraan dhaqdhaqaaqyo aad usareeya kaas oo laga casbi qaba in saacadaha soo socda uu dagaal buuxa dhexmaro labada maamul ee puntland iyo Somaliland oo mudo 5 sano ah isku haya gacan ku haynta gobolka Sool.

Magaalada Laascaanood ee hada uu dagaalku ka socdo ayaa waxaa ka taagan jahwareer iyagoo dadku ku gabanaya guryahooda ma jiraan wax gaadiidka dadwaynaha oo maraya wadooyinka waxaana gabi ahaanba la xidhay goobaha ganacsiga oo aan waligood loo xidhan dagaal awgiis..

 

Hamoogaan afnugaal waxii ka soo kordha

 
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.