HOME
QURAN
CONTACT US
HEESO
ARCHIVES
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
Kooxo aan la garanayn oo Wadaad caan ah xalay ku dilay magaalada Baydhabo.
Posted to the Web Oct 01, 07:53
Baydhabo
:-Sheekh Xasan Kuulow oo ka mid ah culimaa'uddiinka magaalada Baydhabo ayaa xalay kooxo hubeysan waxa ay ku dileen xaafada Isha ee magaalada Baydhabo ayadoo kooxdaasi hubeysan ay baxsadeen markii dilka ay gaysteen.
Waa markii ugu horreysay oo wadaad lagu dilay gudaha magaalada Baydhabo tan iyo markii DFKM ay u soo guurtay magaaladaasi sanadkii 2006-da ayadoo falkan dilka ah uu cabsi ku beeray dadka ku dhaqan magaalada Baydhabo.
Ciidamada booliska magaalada Baydhabo ayaa soo gaaray goobta lagu dilay wadaadka ayagoo halkaasi hawl gal baaris ah ka bilaabay si gacanta loogu soo dhigo ragii ka danbeeyay dilka wadaadka inkastoo ilaa iyo iminka aaney cidna u soo qaban dilka wadaadka.
Goob joogayaal ayaa sheegay in 2 nin oo bistoolado ku hubeysan ay toogasho ku dileen wadaadka xilli uu ku sii jeeday masjid ku yaal xaafada Isha ee magaalada Baydhabo ayadoo labadaasi nin oo aan la garanayn ay baxsadeen markii dilka ay gaysteen.
©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.