HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

15/09/2012 

Ciidamo ka tirsan ururka Daalibaan ayaa weerar ku qaaday xarun ciidamada Nato ku lahaayeen koonfurta Afghanistan iyagoo diley labo askari oo Maraykan ah.

Weerarkan oo ka dhacay gobolka Helmand ayaa waxa uu afhayeen u hadlay ururka Daalibaan ku tilmaamay in uu ahaa weerar loogu aargudayay filimkii Islaamka lagu aflagaadeeyey.

Weerarkan ayaa sidoo kale waxyeelo lagu gaarsiiyey dayuurado dagaal saldhigga milatariee Camp Bastion.

Saldhigan la weeraray oo ah meel si aad ah loo ilaaliyo ayaa dhalisey in ay ciidamada Nato wax iska weydiiyaan sida gudaha loogu soo galay xaruntan oo uu ku sugnaa sida la sheegay Amiirka Britain Harry.

Hase yeeshee amiirka Birtain ayaa ka badbaaday weerarkan, iyadoo la sheegay in dagaal xoog leh uu ka dhacay gudaha saldhigan waxana uu socday illaa afar saacadood oo xiriir ah iska horimaadkaas xoogan.

Ugu yaraan toddobo ruux ayaa ku dhimatay banaanbaxyo shalay ka dhacay magaalada Khartoum, Tunis iyo Qahira.

Banaanbaxyadan ayaa ahaa kuwo loogaga soo horjeeday filim lagu sameeyey dalka Maraykanka oo lagu aflagaadeeyey diinta Islaamka.

Saraakiil u hadashay ciidamada Nato ayaa waxa ay sheegeen in dadka soo weeraray saldhiga ay isticmaalayeen hubka fudfudud,gantaallo iyo hoobiyaal.

Saldhigga la weeraray ayaa waxaa ku sugnaa ciidamo dalal kala gedisan ka socda, hase ahaatee weerarka ayaa lala beegsaday qeybta ay ciidamada Maraykanka ka degenaayeen saldhigga Milatari.

Guddoomiyaha gobolka Helmand ayaa sheegay in labo askari oo Maraykan ah ay dhinteen dhowr kale oo ka mid ah ciidamada Nato ay ku dhaawacmeen. Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in illaa 16 ka mid ah ciidamada soo weeraray saldhigga la diley.

Hase yeeshee afhayeen u hadlay ururka Daalibaan ayaa sheegay in ay ku dileen weerarkan in kabadan toban askari oo Maraykan ah.

 

 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.