Sawirro: Meydadka ragii weeraray M/Mukarama

Sawirro: Meydadka ragii weeraray M/Mukarama

- in NEWS2
203
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa goordhow soo bandhigtay Meydadka Seddex kamid ah Maleeshiyaadkii weerarka ku qaaday Dhismaha Hotel Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho.

un3

Hoteelka ayaa waxaa booqday Wasiiro ay kamid ahaayen Wasiirka Gaashandhiga DF Somalia, Warfaafinta iyo Wasiiro kale, waxaana booqashadooda ku wehliyay Taliyayaasha Hay’adaha Amaanka oo iyaguna indha indheynaayay Khasaaraha ka dhashay Weerarka Hotelka.

Wasiirada booqday dhismaha Hoteelka ayaa sheegay in 5 ilaa 6 Nin ay qabsadeen Hoteelka kuwaasi oo 3 ka mid ah meydadkooda lasoo bandhigay halka kuwa kalana ay sheegeen in ay is qarxiyeen.

Waxa ay sheegen in ugu badnaa Dadkii ku jiray Hoteelka la badbaadiyay ,marka laga reebo 14 Qof oo uu sheegay inay ku dhinteen gacanta Al Shabaab.

Dhanka kale, Warsaxaafadeed kasoo baxay Kooxda Alshabaab ayaa waxaa lagu sheegay in Seddex meelood laba kamid ah ragga weerarka qaaday ay si nabad ah uga baxsadeen Hoteelka weerarka kadib.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

Baarlamaanka Somaliya oo Cod Kalsooni ah Siiyay Wasiirada Cusub

Waxaa haatan soo gaba gabowday kalsooni siinta Golaha