Sacdiyo ” Farxadda Arooskeyga Murugo ayaa ka dambeysay”

Sacdiyo ” Farxadda Arooskeyga Murugo ayaa ka dambeysay”

- in Entertainment
246
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Magaca  waa Sacdiyo Xasan da’deedu Waa 19 jir wax ay dhiganeysay dugsiga-sare fasalka 1aad, waxayna is-barteen wiil ay daris ahaayeen oo lagu magacaabi jiray Farxaan Axmed, waxaana dhexmaray Sacdiyo iyo Farxaan xariir aad u wanaagsan xariirkaas oo ku dhisnaa Jaceyl, is-qaddarin, xushmad, wanaag iyo is-karaameyn.

Farxaan Iyo Sacdiyo markii ay wada socdeen muddo labo sano ah, ayaa waxaa la isku afgartay in la is guursado, sida dhaqanka iyo caadada u ah ummada Somaaliyeed, ayaa wiilkii Farxaan ahaa ciddiisii waxey soo doonteen gabadhii Sacdiyo aheyd wad- hadal dheer oo dhexmaray labadii reer kadib, waxaa la isku afgartay asbuuc kaddib in la isku guuriyo lammaanaha ummada inteeda kale iska doortay oo ayagoo isku qanacsan reerahooda u yimid.

Dhanka kale Sacdiyo iyo Farxaan mid waliba waxa uu dareemay farxad uusan garaneyn qaab uu u qiyaaso maaddaama ay u suurta gashay riyadii ay labada sano ku hamminayeen iney maalin uun gaaraan, balse, maxaa ka danbeeyay farxaddaas mise noqotay mid sii socota?

Markii la isku afgartay iney is-guursadaan Farxaan iyo Sacdiyo habeenkeedii ayaa waxaa soo yeertay hadal laga naxo kaas oo ahaa in Maxamed Xasan oo ahaa Sacdiyo walaalkeed ka weyn ay xabadi qalbiga kahaleeshay (wadnaha) isla goobtiina ku geeriyooday! Taasina waxey sababtay in farxaddii iyo dammaashaadkii ay Sacdiyo dhex dabbaalaneysay halkaasi ku burburto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

Djibouti: Discours du président Ismail Omar lors de l’inauguration du port 24/5/2017