Ra’iisul wasaare ku xigeenka Somaliya oo diiday qodobo kamid ah heshiiskii madasha

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Somaliya oo diiday qodobo kamid ah heshiiskii madasha

- in News, NEWS2
1510
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa ka soo hor-jeestay qodob ka mid ah heshiiskii Madasha Wada-tashiga qaran, kaasoo ka hadlayay saami qeybsiga kuraasta aqalka sare ee xubnaha ka soo jeeda Somaliland.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa isaga baxay shirka Madasha Wada-tashiga, markii la akhrinayay war murtiyeedka, isagoo qoonsaday in qoondadii Somaliland ee aheyd 11 xubnood aqalka sare laga jaray saddex xubnood.

Waxaa uu sheegay in arrintaas ay gocasho qabaan, isla markaana aanay aheyn mid u cuntami karta, isagoo dalbaday in Madasha Wada-tashiga qaran ay dib u eegaan qodobkaas.

“Aniga ka mid baan ahay Madasha, runtiina wax badan oo fiicana ayay soo qabteen mudadii ay jirtan, laakiin waxaa moodaa qodobka ugu darnaa ee gocashada badan ka jirta waa qaabkii loogu qeybiyay beelaha dega Somaliland, cid kasta iyadaa taqaan sida ay u qeybsanayaan, ayaga in loo daayo aheyd dadka deegaanka waa is yaqaanaan, dowlad goboleedyadaba iyada qudhooda cid looma qoondeyn, marka waa in saami qeybsiga dib loogu noqdo”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare kuxigeenka.

Madasha Wada-tashiga qaran ayaa isku raacay in saddex ka mid ah xubnaha aqalka sare ee Somaliland laga jaray, lana siiyay beelaha Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle, taasoo macnaheedu yahay in Puntland loogu daray saddex xubnood 11-kii xubnood ee ay heysatay aqalka sare.

Hase ahaatee waxaa markii dambe labo xubnood gadaal looga daray xubnaha aqalka sare Somaliland, lana siiyay 10 xubnood Aqalka sare ah.

Si kastaba ha ahaatee odayaasha iyo Xildhbaanada ka soo jeeda Somaliland ayaa qaadacay go’aanadii ka soo baxay Madasha, kadib markii ay ku tilmaameen in lagu sameeyay sad bursi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

Qisadii Siduu ku toobad keenay Abdullahi Ibnu Mubarak – Sh. Ahmed Nuur