QM oo Wakiil u soo magacowday Soomaaliya

QM oo Wakiil u soo magacowday Soomaaliya

- in News
308
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-Moon ayaa Isniintii ku dhawaaqay magacaabida Hubert Price oo noqonaya Madaxa Xafiiska taageerada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya UNSOS.

Hubert Price ayaa ah Colnel ka tirsanaa ciidamada Mareykanka, waxaana la sheegay inuu yahay nin waayo arag u ah howl galada nabad ilaalinta Qaramada Midoobey.

Ninkan ayaa sanadihii 2010 illaa 2015 ahaa Agaasimaha howl galka taageerada Qaramada Midoobey ee Liberia, sidoo kale waxaa horay uga soo shaqeeyay dalal badan.

 

Tallaabadan ayaa u gogol xaaraya in wixii ka dambeeya sanadka 2018 Ciidamo ka socda Qaramada Midoobey ka howl galaan Soomaaliya, si ay u bedelaan Ciidamada AMISOM ee ka socda Midowga Afrika, kuwaasoo muddo 10 sano ka howl galaya Soomaaliya.

Qaramada Midoobey ayaa taageero xooggan siisa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, iyadoo wakiil gaar ah u soo magacawday Soomaaliya, kaasoo fadhigiisa yahay magaalada Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

Djibouti: Discours du président Ismail Omar lors de l’inauguration du port 24/5/2017