Qaraxyo Dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo ka dhacay Degmada Baled-xaawo

Qaraxyo Dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo ka dhacay Degmada Baled-xaawo

- in News
336
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Wararka imaanaya Magaalada Baled-xaawo Ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Qarax Dhimasho iyo Dhaawac Sababay uu ka dhacay Magaaladaasi.

Qaraxa oo ahaa Miino ayaa ka dhacay Maqaayad ku taala Magaalada Baled-xaawooo ay ku sugnaayeen Dad Shacab ah iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Qaraxa uu ku dhintay Hal Qof,iyadoo ay ku dhaawacmeen illaa Shan kale oo isugu jira Ciidan iyo Dad Shacab ah.

Sidoo kale waxaa isla goobta lagu Toogtay mid kamid ah Illaalada Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland oo ka mid ahaa Ciidankii Qaraxa ku soo baxay.

Magaalada Baled-xaawoee Gobolka Gedo ayaa waxaa ka dhaca inta badan Qaraxyo nuucaan oo kale ah Goobaha Maqaayadaha ah ee Dadku ay wax ka cunaan.

Sidoo kale  waxaa lagu soo waramaya in qarax labaad goor dhow ka dhacay isla  degmada Beled xaawo  waloow aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay  qaraxaasi  danbe ee ka dhacay halkaasi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

Daawo MD Farmaajo oo Go’aan adag ka qaatay Somaliland Midnimo ugu Baaqay 26 June