Qarax lala eegtay Shaqaale ka tirsan wasaarada Maaliyada Muqdisho

Qarax lala eegtay Shaqaale ka tirsan wasaarada Maaliyada Muqdisho

- in News, NEWS3
402
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Wararka inaga soo gaaraya Suuqa Bakaaraha gaar ahaan agagaarka qeybta Xafiiska Maaliyada degmada Howl wadaag ku leedahay Wasaaraada Maaliyada ayaa sheegaya in gaari aay la socdeen shaqaalaha wasaaarada qarax lala eegtay.
Qaraxa ayaa la sheegay in lagu riday Bac Madow halkaasi taalay, waxaana xilligii uu Qaraxa dhacayay goobta ku sugnaa dad fara badan.

Inta la xaqeejiyay halkaasi waxaa dhaawacyo ka soo gaareen shaqaalahii Wasaarada ee saarna gaariga qaraxa loo dhigay iyo ciidaankii ilaalada gaarigaasi qaraxa haleelay.

Qaraxan ayaa imaanaya ayado saacad ka hor Hoobiyaal  lagu ekeeyay Degmada wardhiigleey ku dhaawacmeen Dad Shacab ah oo ka mid ahaa Dadka Degan Agagaarkaas.

Illaa hadda ma jirto Cid Og halka laga soo tuuray Hoobiyaasha ku soo dhacay Degmada Warta-Nabadda ee Magaalada Muqdisho,iyadoo Maanta Madaxtooyada Soomaaliya uu ka furmay Shirka Madasha wada-tashiga Qaran.
Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo Furey Shirka Madasha Wadatashiga Qaran

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

Daawo MD Farmaajo oo Go’aan adag ka qaatay Somaliland Midnimo ugu Baaqay 26 June