Qarax ismiidaamin ah oo lala eegtay maqaayad ay joogeen Ciidanka Amisom iyo Dad Shacab ahaa oo..

Qarax ismiidaamin ah oo lala eegtay maqaayad ay joogeen Ciidanka Amisom iyo Dad Shacab ahaa oo..

- in News
290
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Qarax Qasaare geystay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.
Qaraxan ayaa ka dhacay goob Maqaayad ah oo ay isugu yimaadaan dad shacab ah, waxaana fuliyaya Qof isa soo miidaamiyay, sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Maxamed Cabdulle Fiidow ayaa sheegay Qaraxan in uu ku dhintay Ninkii is Qarxiyay oo keliya, khasaare kalena uusan geysan.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Qaraxa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM, inkastoo warkaasi uu beeniyay Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi.
Ciidanka Ammaanka ayaa waxa ay gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen Howlgallo aan cidna lagu soo qaban.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

Suaashii Ugu Saameynta Badnayd Ee La Weydiiyay Siyaad barre 1972 gii