Qarax ay dad ku dhinteen oo ka dhacay suuq ku yaalla Kaaraan

Qarax ay dad ku dhinteen oo ka dhacay suuq ku yaalla Kaaraan

- in News
285
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Ugu yaraan Labo Qof ayaa ku dhimatay shan kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray kadib markii uu Qarax ka dhacay Maqaayad ku taalla Suuqa Xirka dheere ee Degmada Kaaraan.

Labada Qof ee dhimatay ayaa ahaa Haween shaah ku iibinayay Maqaayadda uu Qaraxa ka dhacay,waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 5 Qof oo ka mid ahaa suuqleyda degaanka.

Qof ka mid ah Dadka degaanka ayaa sheegay in Qaraxa uu ahaa Miino lagu xiray Maqaayadda ku taalla Suuqa Xirka dheere ee Degmada Kaaraan,kaas oo Qarxay xilli ay Labada Gbadhood ee dhintay kaliya ku jireen Maqaayadda.

Dadka ka agdhawaa goobta ayuu sheegay in ay u gurmadeen dadkii dhaawaca ahaa islamarkaana ay geeyeen Isbitaallada,halka labada Gabdhood ee dhintay uu sheegay in la isku toosiyay.

Suuqa ayuu sheegay in uu yahay mid Ganacsi islamarkaana aysan ku badneyn Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Ciidanka AMISOM,sidoo kalena aysan ka agdhaweyn xero Ciidan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

Daawo MD Farmaajo oo Go’aan adag ka qaatay Somaliland Midnimo ugu Baaqay 26 June