HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
Madaxweyne Shariif "Al-Qaacida waxay rabtaa in Soomaaliya ka sameyso Saldhigyo waa weyn, iyadoo u aragta meel istiraatiiji ah"
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo wareysi gaar ah siinayay Wargeys ka soo baxa Magaalada Rome ee dalka Talyaaniga oo lagu magacaabo Il Sole 24 Ore ayaa waxaa uu sheegay in Ururka Al-Qaacida ay dooneyso in Soomaaliya ka sameysato saldhigyo waa weyn, sida dalka Afganistaan.

Madaxweyne Shariif ayaa cadeeyay in Al-Qaacida ay u aragto Soomaaliya meel istiraatiiji ah, marka loo eego dalka Afganistaan, waxaana uu cadeeyay inay dooneyso in Soomaaliya ka sameysato Shabakad isku xiran sida uu hadalka u dhigay

"Al-Qaacida waxay rabtaa in Soomaaliya ka sameyso Shabakad isku xiran, iyadoo u aragta meel istiraatiiji ah, sidaas darteed iyadoo dooneysa inay ka faa'ideysato xeebteena istiraatiijiga ah oo ay adeegsato inay howl galo ballaaran ka fuliso"ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo si kulul u weeraray siyaasada Ururka Al-Qaacida ee ku wajahan Soomaaliya.

Waxaa uu tibaaxay in Ururka Al-Qaacida ay Soomaaliya u soo direen Ragg Ajaaniib ah oo fuliya dano guracan, iyagoo ka bar bar dagaalama shaqsiyaad soomaali ah sida uu yiri.

Dhowaan ayay aheyd markii Madaxweynaha uu baaq u diray Beesha Caalamka, kaasoo ahaa in Soomaaliya la doonayo in laga dhigo sida dalalka Afganistaan iyo Ciraaq, isagoona shacabka Soomaaliyed ugu baaqay inay difaacdaan qaranimadooda iyo jiritaankooda

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.