Maxbuus isku daldalay xabsi ku yaala Berbera iyo kuwa kale oo lasoo bad baadiyay

Maxbuus isku daldalay xabsi ku yaala Berbera iyo kuwa kale oo lasoo bad baadiyay

- in News
423
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Mid ka mid ah maxaabiista ku xiran xabsi ku yaala magaalada Berbera ayaa is daldalay ayada oo lasoo bad baadiyay mid kale oo damacsanaa inuu is daldalo.
Maxbuuska is daldalay ayaa lagu magacaabi jiray Ibraahim Waceys Aadan isaga oo ku eedaysnaa xatooyo laguna xukumay mudo 2 sano iyo 6 bilood ah.
Maxbuuskan ayaa sidoo kale la sheegayaa inuu xanuun qabay balse aanu ahayn xanuunka dhimirka dawana qaadanayay isaga oo keligiis ku xirnaa qol gaar ah si aanay maxaabiista kale uga qaadin xanuunka uu qabay.

Dhanka kale maxbuus kale ayaa lagasoo gaaray ka hor intii uusan is daldalin ayada oo xarigii uu qoorta surtay laga jaray sidaasna lagusoo bad baadiyay.
Maxbuuska lasoo bad baadiyay ayaa lagu magacaabaa Cabdi Cali Xaashi waxaanu sugayaa maxkamadeyn ku aadan inantiisa oo is daldashay sanad ka hor.
Lama oga sida ay maxaabiistani ugu suurtagashay inay helaan xargaha ay isku dal daleen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

Daawo MD Farmaajo oo Go’aan adag ka qaatay Somaliland Midnimo ugu Baaqay 26 June