Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab ayaa lasoo sheegayaa in Odayaal dhaqmeed ay ku dileen deegaanka Kwala oo ka tirsan Kenya

Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab ayaa lasoo sheegayaa in Odayaal dhaqmeed ay ku dileen deegaanka Kwala oo ka tirsan Kenya

- in NEWS2
534
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab ayaa lasoo sheegayaa in Odayaal dhaqmeed ay ku dileen deegaanka Kwala oo ka tirsan Kenya.

Odayaashaani oo ahaa kuwo aad looga garanaayay deegaankaasi ayaa waxaa lagu dhuftay dhowr rasaas, waxaana lasoo warinayaa in halkaasi ay ku nafbaxeen.

Odayaal dhaqmeedka ay maleeshiyadu dileen ayaa tirro ahaan lagu sheegay 3 kuwaasi oo si dhow ula shaqeyn jiray dowlada Kenya.

Juma Mwanyota oo ah Gudoomiyaha magaalada uu dilka ka dhacay, ayaa sheegay in dilkaasi ay geysteen maleeshiyaad uu wajiga u duubanaa kana tirsan Al-shabaab.

Juma Mwanyota, ayaa sheegay in dadka deegaanka ay farmuuqeen maleeshiyaadka dilka geystay, waxa uuna Guddoomiyuhu sheegay in Odayaasha la dilay ay Macluumaadka maleeshiyada dilka geystay siin jireen Hay’adaha amaanka Kenya gaar ahaan sirdoonka.

Dadka degaan xebeedkaan lagu dilay waxaa ku jiray Sheekh lagu magacaabi jiray Sheekh Xasan Mwasanite sida uu sheegay gudoomiyahaan degaanka.

Ma jirto cid ilaa iyo iminka sheegatay dilka Odayaashaani dhaqanka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

Daawo MD Farmaajo oo Go’aan adag ka qaatay Somaliland Midnimo ugu Baaqay 26 June