Magaalada Brussels oo lagu qabtay Nin sheegay inuu xiran yahay Suunka Qarxa

Magaalada Brussels oo lagu qabtay Nin sheegay inuu xiran yahay Suunka Qarxa

- in NEWS2, Politics
752
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Laamaha ammaanka ee dalka Belgium, ayaa soo gaba gabeeyay hawlgal muddo saacado ah qaatay oo Talaadadii, ay ka sameeyen suuq ku yaala Magaalada Brussels, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in uu ku sugan yahay nin xiran suunka ka samaysan walxaha qarxa.

Ninkan, ayaa la sheegay in xiriir uu la soo sameeyay Ciidamada Booliska, isla-markaana uu u sheegay in isagoo miineysan uu ku dhex sugan yahay suuqaan, oo lagu magacaabo (City 2 Shopping Centre).

Wixii ka dambeeyay markii uu warkaasi soo baxay, ayay laamaha ammaanku xireen wadooyinka soo gala suuqaasi, iyagoona bilaabay in ay gudaha u galaan, si ay u fashiliyan qaraxaasi.

Waxayse dib ka ogaadeen inaanu ninkaasi wadan qarax rasmi ah, isla-markaana midka uu wataa yahay mid been abuur ah, oo walxaha qarxa loo muuqaal ekeysiiyay.

Ciidamada ammaanka oo gacanta ku soo dhigay ninkaasi, ayaa xabsiga u taxaabay. Ninkan oo magaciisa loo soo gaabiyay JB, ayaa laamaha ammaanka u sheegay in sheekadaan oo dhan ay tahay mid been abuur ah.

Charles Michel, Ra’iisal Wasaaraha Belgium, ayaa ugu dambeen sheegay in laamaha ammaanka ay xaaladda ku soo celiyeen mid caadi ah.

Tani waxay ku soo aadaysaa, iyadoo maalmo ka hor dad lala xiriirinayo weeraro argagaxiso lagu xiray Magaalada Caasimadda ah ee Brussels.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

رئيس الوزراء الكندي يفاجئ العالم بردة فعله عند سماع القرآن ويغيظ أعداء الاسلام