Madaxweynaha Jabuuti ayaa goor dhow ka soo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho

Madaxweynaha Jabuuti ayaa goor dhow ka soo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho

- in News
257
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">
  • Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa goor dhow ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho, isagoo noqday Madaxweynihii u horeeyay oo ka socda IGAD ka soo dega garoonka diyaaradaha.

    Madaxweynaha Jabuuti ayaasalaan sharaf ka qaadanaya cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, iyadoo loo garaaci doono astaanta qaranka Jabuuti.

    Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo dhoweeyay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo markii afaraad soo gaaray Muqdisho shantii sano ee u dambeysay tan iyo sanadkii 2011.

    Waxaa lagu wadaa in loo galbiyo Halka uu ka dhacayo Shirka oo ah Hotelka Peace oo ku dhow Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

    Shir Madaxeedka IGAD ayaa goor dhow lagu wadaa inuu furmo, iyadoo la sugayo Madaxda kale ee xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD oo ku soo wajahan Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

Suaashii Ugu Saameynta Badnayd Ee La Weydiiyay Siyaad barre 1972 gii