Madaafiic xoogan oo lagu garaacay Magaalada Marka ee Gobolka Sh.Hoose

Madaafiic xoogan oo lagu garaacay Magaalada Marka ee Gobolka Sh.Hoose

- in News
364
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Wararka laga helayo Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.Hoose ayaa sheegaya in Xalay Xoogaga AMISOM ay madaafiic xoogan ku garaaceen qeybo ka mid ah Magaalada Marka.

Madaafiicdan ayaa waxey ku hoobteen Xaafado ku yaalla Magaalada Marka, oo qiyaas ahaan 100Km dhanka koonfureed kaga beegan Magaalada Muqdisho.

Goobjooge la hadlay  Warbaahinta ayaa waxuu sheegay in Xalay ay maqlayeen dhawaqa madaafiic culus oo lagu garaacayay qeybo ka mid ah Magaalada Marka.

Weli lama shaacin sababta ka dambeysa in Xoogaga AMISOM ay hoobiyeyaal u qeybiyaan Xaafadaha Magaalada Marka.

Ilaa iyo hada si dhab ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Duqeytaasi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

POLICEKA SUCUUDIGA OO AFDUUB JIRDIL IYO KUFSI U GEYSTEY HABLO SOOMAALIYEED OO JIDAH KU SUGAN