Maamulka Degmada Mahadaay Oo Ka Hadlay Ka Bixintaanka Ciidanka AMISOM Deegaanka Fiidow

Maamulka Degmada Mahadaay Oo Ka Hadlay Ka Bixintaanka Ciidanka AMISOM Deegaanka Fiidow

- in Politics
1455
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Iyadoo Ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM,ay isaga baxeen deegaanka Fiidow ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa ururka Al-Shabaab oo ka horjeeda Dowlada waxay sheegeen in si nabad galyo ah ula wareegeen deegaankaasi.

Deegaanka Fiidow ayaa ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe,waana deegaan muhiim u ah isku xirka Gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Maamulka degmada Mahadaay ee Gobolka Sh/dhexe oo deegaanka maamul ahaan uu hoostago ayaa ka hadlay ka bixitaanka ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada,iyagoo xaqiijiyay in ciidamada wada jirka ah Fiidow ka baxeen.

Gudoomiye Kuxigeenka dhanka arimaha Bulshada degmada Mahadaay Xaaji Saalax Fulleel oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada xalay baneeyeen saldhigyadii ay ku lahaayeen deegaankaasi,isagoo sheegay in sababta ciidamada uga baxeen ay tahay cabsi laga muujiyay in Fatahaad uu sameeyo Wabiga Shabelle halkaasina ciidamada ay go’doon ku noqdaan.

Xaaji Saalax oo hadalkiisa sii watay ayaa iska fogeeyay in maamulkooda ay ka warqabaan in deegaankaasi markii ay ka baxeen Ciidamada ay gudaha u galeen ururka Al-shabaab.

Ciidamada Burundi qeybtana ka ah Howlgalka AMISOM ee ka baxay deegaanka Fiidow iyo ciidanka Dowlada Soomaaliya ayaa hada raadkooda wuxuu ku danbeeya deegaanka Buurane oo hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe.

Warbaahinta Al-shabaab ayaa qortay in aroortii hore ee saakay ciidamo taabacsan gudaha ugaleen deegaanka Fiidow ka dib markii Ciidamada is taageeraya xalay ka baxeen saldhigyadii ay ku lahaayeen deegaankaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

Télé Djibouti Chaine Youtube : J.T. Somali de 20h du 25/04/2017