Laba ka tirsan Ciidanka Taraafikada Wadooyinka oo maanta lagu dilay Muqdisho

Laba ka tirsan Ciidanka Taraafikada Wadooyinka oo maanta lagu dilay Muqdisho

- in Politics
139
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Labo ka mid ah ciidamada ilaalada wadooyinka ee loo yaqaan Taraafikada, ayaa maanta lagu toogtay Degmada waberi ee gobolka Banaadir.

Ilaada-wadooyinka-618x393

Niman ku hubeysan Bustoolado oo watay gaari yar ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen dilka labada askari ee ka tirsanaa ciidamada ilaalada Wadooyinka ee magaalada Muqdisho.

Dilka kadib ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo meesha ka qaaday meydka labada askari waxaana ay durba sameeyeen howlgalo baaritaano ah oo dadkii dilka geystay lagu raadinayo.

Bilowgii Bisha Ramadaan ayaa Magaalada Muqdisho, waxaa lagu dilay labo kamid ah ciidamada ilaalada wadooyinka ee Taraafikada, kuwaasi oo ku sugnaa Wadada mashquulka badan ee Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Ammaanka Caasimada ayaa noqday mid faraha ka baxay waxaana soo batay dilalka qorsheysan ee loo geysanayo ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiinta kale ee Dowladda ku jira.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

Baarlamaanka Somaliya oo Cod Kalsooni ah Siiyay Wasiirada Cusub

Waxaa haatan soo gaba gabowday kalsooni siinta Golaha