Ku dhawaad 10 Dukaan oo Xalay lagu boobay Magaalada Muqdisho

Ku dhawaad 10 Dukaan oo Xalay lagu boobay Magaalada Muqdisho

- in News, NEWS4
380
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Rag ku labisan dareeska Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in dhac baahsan ay u geysteen Dukaamo ganacsi oo ku yaalla Xaafada Dabaqeynka ee Degmada Dharkeenleey ee Magaalada Muqdisho.

Ilaa iyo 8 Dukaan ayaa Raggan ku labisan dharka Ciidamada Dowladda waxey Xalay boob ugu geysteen Degmada Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir.

Qaar ka mid ah ganacsatada hantidooda la boobay oo la hadlay Warbaahinta Arlaadi ayaa sheegay in dhamaantooda lagu armay in ay isaga soo baxaan goobahooda ganacsi, islamarkaana la isugu keenay halmeel.

Waxaana intaasi kadib Raggii hubeysanaa ay qaateen ama dhaceen waxyaabihii dukaamadaasi yaalla haba ugu badnaadeen lacago cadaan ah, sida ay sheegeen ganacsatadaasi.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Dharkeenleey ayaa sheegay in kiiskan uu soo gaaray islamarkaana ay wadaan baaritaano ku aadan soo qabashada Raggii ka dambeeyay dhacaasi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

POLICEKA SUCUUDIGA OO AFDUUB JIRDIL IYO KUFSI U GEYSTEY HABLO SOOMAALIYEED OO JIDAH KU SUGAN