Kooxo Hubeysan oo Gaalkacyo ku dilay Mas’uul ka tirsan Maamulka Puntland

Kooxo Hubeysan oo Gaalkacyo ku dilay Mas’uul ka tirsan Maamulka Puntland

- in NEWS2
358
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Kooxo hubeysan ayaa magaalada Gaalkacyo qeybteeda waqooyi ku dilay Isku duwihii Wasaaradda Qorsheynta u qaabilsanaa Gobolka Mudug oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Maxamad Faarax.

Wararka ayaa sheegaya in Isku duwaha lagu dilay xaafada Garsoor ee waqooyiga Gaalkacyo, iyadoo dableydii ka dambeysay ay baxsadeen.

Ciidamada ammaanka ayaa howl gallo ka sameeyay halka uu dilka ka dhacay, balse uma suura gelin inay soo qabteen kooxihii dilka ka dambeeyay.

Dilkan ayaa noqonaya kii labaad oo ka dhaca waqooyiga Gaalkacyo, inta lagu guda jiro bisha Ramadaan, iyadoo horay waqooyiga Gaalkacyo loogu dilay Guddoomiyihii ururka haweenka Gobolka Mudug.

Magaalada Gaalkacyo oo u qeybsan labo dhinac oo ay kala maamulaan Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa ku soo badanayay dilal qorsheysan, waxaana inta badan dilalka ka dhacayeen dhanka waqooyi ee Puntland maamusho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

POLICEKA SUCUUDIGA OO AFDUUB JIRDIL IYO KUFSI U GEYSTEY HABLO SOOMAALIYEED OO JIDAH KU SUGAN