Kooxda Al-Shabaab oo saraakiil Kenyaan ah gacanta ku dhigtay

Kooxda Al-Shabaab oo saraakiil Kenyaan ah gacanta ku dhigtay

- in News
281
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerarkii Maleeshiyada Al-shabaab ay ku qaaday magaalada Carabiya oo qiyaastii 100km ujirta magaalada Mandheera.

Al-shabaab ayaa weerarkaasi kula wareegtay Magaalada Carabiya iyo Saldhiga weyn ay ciidamada Kenya ku leeyihiin magaaladaasi.

Wararku waxa ay sheegayaan in Al-shabaab ay weerarkaasi ku dishay inkabadan 13 Askari, sidoo kalane ku afduubatay 9 Askari oo Seddex kamid ah ay ahaayen Saraakiil Ciidan oo ka howlgali jiray magaalada Carabiya.

Al-shabaab ayaa sidoo kale inta uu weerarka socday Saldhiga kala baxday 4 mashiin oo ah nooca dadka Mandheera lagu diiwaangalin jiray.

Sidoo kale, waxa ay Maleeshiyada Al-shabaab inta uu weerarka socday qaadatay inkabadan 23 qori nooca fudfudud, sida ay baahisay warbaahinta Kenya.

Al-shabaab ayaa inta badan weeraro lagu furto Hub iyo Gaadiid ku qaada Xarumaha Ciidamada Kenya sida Saldhigyada, Xarumaha Degmooyinka iyo Furumaha ay ka howlgalaan Ciidamada Kenya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

Djibouti: Discours du président Ismail Omar lors de l’inauguration du port 24/5/2017