HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
Dawladda Djibouti Oo Ku Dhawaaqday Inay Somaliland ka Qaadan Doonto Alaabada ay Samayso      
 

Djibouti- Dawladda Djibouti, ayaa shalay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay Somaliland ka qaadan doonto oo ay u suuq gayn doonto allaabooyinka ay samayso oo ay Djibouti hore uga keensan jirtay wadamo dibadda ah.Guddoomiyayaasha labada rug ganacsi ee Somaliland iyo Djibouti Md. Siciid Cumar Muuse iyo Md. Cabdiraxmaan Faarax Sugaal, ayaa shalay Djibouti ku yeeshay kulan, waxaanay isla garteen qodob dhawr ah...

Djibouti(Geeska)- Dawladda Djibouti, ayaa shalay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay Somaliland ka qaadan doonto oo ay u suuq gayn doonto allaabooyinka ay samayso oo ay Djibouti hore uga keensan jirtay wadamo dibadda ah.

Guddoomiyayaasha labada rug ganacsi ee Somaliland iyo Djibouti Md. Siciid Cumar Muuse iyo Md. Cabdiraxmaan Faarax Sugaal, ayaa shalay Djibouti ku yeeshay kulan, waxaanay isla garteen qodob dhawr ah, “Shacabka Somaliland dad midaynu nahay, haddaad baayac mushtarka eegtid, labada dhinacba waynu ka wada shaqaysanaa, runtiina ganacsiga u dhaxeeya Somaliland iyo Jabuuti waa mid aad u wayn, wayna adag tahay in lagu sheego Somaliland iyo Jabuuti waayo waynu is dhex soconaa, dadna waynu iskugu dhownahay.” Sidaas waxa yidhi guddoomiyaha rugta ganacsiga Djibouti Md. Siciid Cumar, oo shalay u waramay saxaafadda Djibouti, waxaanu intaas raaciyay “Inta badana Somaliland, waxay nooga baahan tahay qalabaynta, waayo waxa uu Guddoomiyhu sheegay in Alaabta Dubai Somaliland uga imanaysay ay fog tahay oo ay Jabuuti uga dhowdahay, markaa dhinaca Jabuuti ahaan Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland, waanu ka wada hadalnay dhinaca baananka iyo in waxa la yidhaa (Logistic-ga), qalaybta, oo aanu kaga horaynu ay halkan (Jabuuti), u soo maraaan ilaa Berbera, waayo waanu kaga horaynaa taageeradeedana way naga helaan.”

Guddoomiyaha rugta ganacsiga Djibouti, oo ka hadlaya waxyaabaha ay Somaliland samayso ee ay Djibouti suuqa gelin doonto waxa uu yidhi, “Iyaga geestooda waxay leeyihiin Warshadayn  badan oo yar-yar, waxyaabahan ay sameeyaan haddii aad eegto xataa aroosyada Djibouti Hargeysa, ayaa loogu safraa oo looga soo iibiyaa qalabaynta Guriga, markaa waxay iyagu inoo hayaan sida khudrada, maadaama khudrada Itoobiya inooga imanaysa aad loo dhaleecaynayo, markaa halkan baa  inooga dhow inoogana Jaban. Guddoomiyahana, waxaan balan ugu qaadayaa wixii dibada nooga iman jiray oo hadda qaali garoobay, in aanu iyaga suuqa u galino oo aanu u samayno suuq gayn.”

Waxa kale oo isna warbaahinta la hadlay guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland md. Cabdiraxmaan Faarax Sugaal, waxaanu sheegay inay jiraan waxyaabo ay sameeyaan wershadaha yar-yar ee Somaliland oo ay Djibouti ka keensato dibadda, “Waxaanu u aragnaa in waxyaabaha Warshadaha  Somaliland soo saaraan jabuuti looga baahan yahay, oo aanay kuwaasi oo kale Djibuuti lahayn, laakiin dibada looga keeno.” Ayuu yidhi Md. Sugaal.
 

 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.