Jaamacadda Birmingham‏ ee dalka Ingiriiska ayaa ka ku dhawaaqday in ay rugteeda buugaagta ka heshay Qur’aan gacanta ku qoran oo lagu tirinayo in uu ka mid yahay faygarkii Qur’aan ee dunida oo dhan ugu horreeyey

Jaamacadda Birmingham‏ ee dalka Ingiriiska ayaa ka ku dhawaaqday in ay rugteeda buugaagta ka heshay Qur’aan gacanta ku qoran oo lagu tirinayo in uu ka mid yahay faygarkii Qur’aan ee dunida oo dhan ugu horreeyey

- in Archives, News1
926
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Jaamacadda Birmingham‏ ee dalka Ingiriiska ayaa 22kii Julaay 2015ka ku dhawaaqday in ay rugteeda buugaagta ka heshay Qur’aan gacanta ku qoran oo lagu tirinayo in uu ka mid yahay faygarkii Qur’aan ee dunida oo dhan ugu horreeyey. Warkan uu Geeska Afrika turjumay oo uu ka soo xigtay shabakadda wararka ee Al-Carabiya waxa uu sheegayaa in Kitaabkan gacanta ku qoran oo aanu Qur’aanku ku dhammayn laga helay qayb ka mid ah Rugta Kutubta ee jaamacadda, qaybtaas oo lagu kaydiyo qoraallo taariikhi ah oo asalkooda hore bariga dhexe ahaa, kuwaas oo uu jaamacadda Labaatanaadkii Qarnigii hore keenay baadir ka soo jeeday Qawmiyadda Assyrian ka ee Ciraaq oo la odhan jiray Alphonse Mingana.

Baadarigan oo Kaatoli ahaa sannadkii 1878kii ayaa uu ku dhashay tuule u dhow magaalada Mawsil ee dalka Ciraaq, kadib, muddo uu Ciraaq joogay kadib waxa uu u guuray dalka Ingiriiska si uu xubin uga noqdo jaamacadda Birmingham waxa aanu noqday cilmibaadhe, waxa aanu keenay qoraallo tiro badan oo uu kitaabkan Qur’aanka ahina ka mid ahaa.

Xaashida Kitaabka uu Qur’aankani ku dhigan yahay oo baadhis lagu sameeyey ayaa lagu ogaaday in uu jiray ugu yaraan 1370 sano, taas oo macnaheedu noqonayo in kitaabkani uu ka mid yahay faygarradii ugu faca weynaa ee Qur’aanka Kariimka ah lagu sameeyey, iyada oo marka taariikhda la eego ay khubarada baadhista ku samaysya ku doodayaan in ay u dhowdahay in qofka Qur’aankan qoray uu ka mid ahaa dadkii Nebiga (SCW) xilligiisii jiray.

Cilmibaadhayaashu waxa ay sheegeen in dhigaalkani uu ka kooban yahay laba warqadood oo nooca taariikhdaas la isticmaali jiray ee Ar-Riq ah, Quranka ku qoranina uu yahay laga soo bilaabo suuradda 18 qaybo ka mid ah illaa suuradda 20aad ee Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah, waxa aanu ku qoran yahay qaab-qoraalka carabiga ee loo yaqaanno Al-Xijaasi oo ka mid ah qaababkii ugu horreeyey ee Luuqadda Carabiga loo qoray.

David Tomas oo ah bare-sare oo jaamacaddan u qaabilsan cilmibaadhista Kiristaanka iyo Islaamka ayaa isaga oo ka hadlaya qoraalkan taariikhiga ah ee Qur’aanka waxa uu yidhi, “Baadhitaannada lagu sameeyey labada warqadood ee uu Qur’aankani ku qoran yahay, waxa ay ina tusaysaa in yahay saan xoolaad oo weliba leh xooggii ay lahaan jireen waraaqaha laga sameeyo saanta xoolihii noolaa xilligii Nebi Muxammed (SCW)” isaga oo intaas ku sii daray in warqaddani aanay ka duwanayn kuwa taariikhiga ah ee ay ku qornaayeen kutubka diimihii ka horreeyey Islaamka, taasina waxa ay xoojinaysaa aragtida ah in Qur’aankan ay jaamacaddayadu hayso aan la iskuba khilaafi karin waqtigii la qoray in uu ahaa xilligaas Nebi Muxammed noolaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

Djibouti: Discours du président Ismail Omar lors de l’inauguration du port 24/5/2017