Itoobiya oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay nin Soomaali doonayay inuu isku qarxiyo Addis Ababa

Itoobiya oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay nin Soomaali doonayay inuu isku qarxiyo Addis Ababa

- in News1
137
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay ka hortagtay weerar is qarxin ah oo uu fulin lahaa nin Soomaali ay sheegeen inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab.

War ka soo baxay ciidamada la dagaalanka Argagixisada Itoobiya ayaa lagu sheegay in ninkan uu ahaa Soomaali, hase ahaatee ma aanay sheegin magaciisa.

Warbaahinta Itoobiya ayaa maanta shaaciyay warkan ka soo baxay ciidamada la dagaalanka Argagixisada, kaasoo howl gal ciidamada sameeyeen ku soo qabteen, isagoo ku sugnaa meel ka mid ah Addis Ababa.

Taliska Ciidamada la dagaalanka Argagixisada ayaa sidoo kale warkooda ku sheegay in ninkan oo Soomaali ah uu doonayay inuu isku qarxiyo meel ka mid ah magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Laamaha Sirdoonka Itoobiya ayaa sheegay inay hayaan xog ku saabsan in Al-Shabaab ay qorsheynayaan in weeraro ka geystaan magaalada Addis Ababa muddo todobaad ah.

Maalin ka hor ayay aheyd markii war ka soo baxay Safaarada Mareykanka ee Addis Ababa ay ka digtay weeraro argagixiso ah oo suura gal ah in Al-Shabaab ka geysato Addis Ababa, iyadoo u digtay muwaadiniinteeda.

Al-Shabaab ayaa horay ku hanjabay inay weerareyso dalalka ay ciidamada ka joogaan, iyadoo Itoobiya ay ka mid tahay dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

Baarlamaanka Somaliya oo Cod Kalsooni ah Siiyay Wasiirada Cusub

Waxaa haatan soo gaba gabowday kalsooni siinta Golaha