Howlgal suuqa Bakaaraha ka socda & ganacsiga hakad ku jiro

Howlgal suuqa Bakaaraha ka socda & ganacsiga hakad ku jiro

- in News
269
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Ciidamada Nabad Sugida ayaa saakay howlgalo balaaran oo lagu xaqiijinayo amaanka laguna baadi goobayo xubno la tuhmayo waxa ay ka wadaan gudaha suuqa Weyn ee Bakaaraa ee magaalada Muqdisho.

Ciidamo badan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa saakay isku gadaamay qeybo badan oo kamid ah Suuqa Bakaaraha, waxa ayna halkaasi ciidamada ka wadaan baaritaano adag sida goobjoogayaal ku warameen.

Qeybo badan oo kamid ah ganacsiga Bakaaraha ayaa saakay hakad ku jira, waxaana saameyn ku yeeshay howlgalada ay ciidamada Nabad Sugida ka wadaan halkaasi, ganacsata qaarkood ayaa ka baqday in ay ganacsigooda furtaan iyaga oo ka cabsi qaba in howlgalka uusaameeyo.

Ciidamada howlgalka wada ayaa qabanaya su’aalana weydiiaya dadka ay ka shakyaan, waxa ayna ciidamada xireen wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Suuqa Bakaaraha.

Lama oga wali ciidamada Dowlada howlgalka ay saakay ka wadaan Suuqa Bakaaraha in ay ku qabteen xubno ay baadi goobayeen, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka oo ku aadan Howlgalkan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

POLICEKA SUCUUDIGA OO AFDUUB JIRDIL IYO KUFSI U GEYSTEY HABLO SOOMAALIYEED OO JIDAH KU SUGAN