Heegan la galshay Ciidamada Puntland & Cutubyo ku wajahan Galgala

Heegan la galshay Ciidamada Puntland & Cutubyo ku wajahan Galgala

- in Politics
199
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Boosaso, ayaa sheegaya in Saraakiisha Ciidamada Militeriga iyo kuwa Ammaanka Maamulka ay bilaaben inay galaan heegan buuxa oo ay ku xaqiijinayaan Ammaanka Deegaanada Puntland.

Wadooyinka qaar ayaa waxaa lagu arkayaa Ciidamo xaqiijinaaya ammaanka, halka amaanka Xarumaha Maamulkuna yihiin kuwo aad loo adkeeyay, kadib markii Laamaha ammaanka ay muujiyeen baqdin ku aadan in weeraro ku dhufoo ka dhaqaaq ay kusoo qaadan Maleeshiyada Alshabaab ee ku dhuumaaleysanaaya Buuraha galgala.

Sidoo kale, wararka ayaa intaa kusii daraayo in Taliyayaasha Ciidamada Militeriga iyo Boliska Maamulka ay ciidamada ku amreen inay ka adkaadan Ammaanka, si looga badbaado weeraro kaga imaada Maleeshiyada Alshabaab oo ka faa’iideysaneysa mashquulka sanadka cusub.

Cutubyo Ciidamo ka tirsan Militeriga Puntland, ayaa sidoo kale, u ruqaansaday Aaga hore ee Buuraha Galgala iyo nawaaxigiisa, iyadoona ay wararku intaa kusii darayaan in Ciidamadaasi lagu biiriyay kuwa ku sugan furumaha.

Dhanka kale, diyaargarowga iyo xaqiijinta ammaanka ayaa kusoo beegmeysa cabsi xoogan oo laga muujinaayo in Maleeshiyada Alshabaab ay weeraro kala duwan ka fuliso Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka bilowga sanadka cusub.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

POLICEKA SUCUUDIGA OO AFDUUB JIRDIL IYO KUFSI U GEYSTEY HABLO SOOMAALIYEED OO JIDAH KU SUGAN