Fiiri Sheekadan Qosolka leh: Wali Gabar maka baratay Facebook?

Fiiri Sheekadan Qosolka leh: Wali Gabar maka baratay Facebook?

- in News1
249
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Wiil Philipine u dhashay ayaa go’aansaday inuu is-dilo, wuxuuna iskasoo tuuray Dabaqa Lixaad ee Xarun Ganacsi oo ku taala Magaalada Batanjas ee Dalkaas.

Sababta uu Wiilkan isku dilay ayaa la ogaaday inay tahay, isagoo ka argagaxay Muuqaalka Gabar uu Saaxib la ahaa, taasoo u arkay markii ay Kulankoodii ugu horeeyay isaga iyo iyada yeesheen.

Warbixinnada laga qoray Dhacdadan ayaa lagu sheegay in Wiilkan oo Robert Gonzalis la yiraa uu Gabadhan Saaxibtiis ah ka bartay Facebook, Muddo Lix Sano ah markii ay Xiriir lahaayeenna uu Kulankii ugu horeeyay ee is-arag ah la yeeshay, markaas oo uu aad ugasoo naxay Muuqaalka Gabadha oo sidii uu filayay u noqon wayday.

Dad Wiilkan ka ag dhaw ayaa lagasoo xigtay, in markii uu is-dilayay ka hor la maqlay isagoo ku celcelinaya Ereyo ay ka mid yihiin “Dhab miyaa. Ma sidan ayaad u taalaa? Oo maxaad ii sirtay?”.

Waxaa loo malaynayaa in Gabadha uu Wiilka la sheekeysanayay ay Facebook-ga ugusoo diri jirtay Sawirrada Hablo qurxoon oo aan iyada ahayn.

Booliska oo Gabadhan wareystayna, waxay ka ogaadeen in Wiilka uu iyada u sheegay inaanay isku ekeyn Muuqaalkeeda iyo Sawiradii ay usoo diri jirta. Waxayna intaas raacisay “ Ma ogaan inuu Muuqaalkeygu muhiim u noqonayo. Waxaan rumeystay inuu sida aan ahay igu aqbalayo”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

Djibouti: Discours du président Ismail Omar lors de l’inauguration du port 24/5/2017