Faysal Cali Waraabe oo kashifay sir laga qariyey reer S/L

Faysal Cali Waraabe oo kashifay sir laga qariyey reer S/L

- in NEWS2, Openion
732
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah UCID ee Somaliland,Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay Musuqa ay madaxtooyada Somaliland ku heyso Shacabka Somaliland.
Faysal Cali waxa uu sheegay in dhammaan magaalooyinka maamulka ay buux dhaafiyeen Kumanaan shacab ah oo aan heysan wixiii ay ku maareyn lahaayen noloshooda, waxa uuna sheegay in Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye uu dhaqaale ku fatahaayo ololaha doorashooyinka.
Faysal Cali, waxa uu tilmaamay in Gobollada maamulka ay ku dhufteen abaaro lixaad leh, taasina ay mas’uul dari ku tahay Xisbiga talada haya ee dhaqaalaha maamulka ku qeybsanaaya Madaxtooyada Somaliland.
Waxa uu sheegay in Xukuumadda laga doonaayo Qarashka ololaha ay ku galayaan Xisbiga Kulmiye in lagu caawiyo dadka dhibaateysan ee abaaraha ay saameynta ku yeesheen.
Waxa uu hadalkiisa intaa ku daray in Shacabka ku hoos nool maamulka looga baahan yahay inay ka dhiidhiyaan dhibaatada Xisbiga Kulmiye uu ku hayo dhaqaalaha shacabka loogu tallo galay ee lagu bixinaayo ololaha doorashada.
“Waa in loo danqadaa shacabka, waxaan la socnaa in dhaqaalihii dhan lagu fatahaayo ololaha doorasho waxaan la dafiri karin in deegaano badan oo ka tirsan Somaliland ay ka jiraan abaaro su’aashu waxa ay tahay aaway mas’uuliyadii Kulmiye ka saarneyd dadka abaaraha ay haleeshay”
Haddalka Faysal Cali ayaa imaanaya xili inta badan Gobollada iyo Degmooyinka maamulka Somaliland ay ku dhufteen abaaro dhulka dhigay rajadii laga lahaa nolosha

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

Omar Ibn Al-Khataab رضي الله عنه || Sh Shady AlSulaiman || Heroes of Islam