Dowladda Kenya oo la sheegay in 68 Askari looga dilay dagaalkii ka dhacay Kulbiyow.

Dowladda Kenya oo la sheegay in 68 Askari looga dilay dagaalkii ka dhacay Kulbiyow.

- in News
521
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Warbaahinta Kenya oo xiganeysay saraakiil Sar sare oo ka tirsan Ciidamada Kenya ee loo yaqaanno KDF ayaa shaacisay in Ciidamada Kenya looga dilay Weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen Degaanka Kulbiyoow ee Gobolka Shabellaha Hoose Jimcihii la soo dhaafay 68 Askari.

Tiro Meydad ah oo ka mid ah Ciidankii ku dhintay Dagaalkii Kulbiyoow ayaa laga soo qaaday Garoonka ay Saldhigga ku leeyihiin Ciidamada Cirka ee Kenya ee lagu Magacaabo Moi oo ku yaalla Nairobi,waxaana la geeyay Isbitaalka dhimirka ee Ciidamada,iyadoo lagu siday Gaadiid qaas u ah Dadka Shacabka ah,inkatsoo Meydadka halkaas la geeyay aan Tiradooda la sheegin.

Wasaaradda Gaashaandhiga Kenya ayaa sheegtay in Dagaalkii Kulbiyoow looga dilay 9 Askari,waxayna beenisay warka Al-Shabaab ee ahaa in 67 Askari Kenya looga dilay Weerarka.

Dhanka kale Sarkaal ka tirsan Ciidamada AMISOM oo Magaciisa aysan Warbaahintu Xigan ayaa sheegay in Saldhigga Ciidanka Kenya lagu Weeraray ee Kulbiyoow uusan hoostagin AMISOM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

Omar Ibn Al-Khataab رضي الله عنه || Sh Shady AlSulaiman || Heroes of Islam