Dowlada Mareykanka oo Shaacisay Hadal uu aad u dhibsaday C/Kariim Guuleed

Dowlada Mareykanka oo Shaacisay Hadal uu aad u dhibsaday C/Kariim Guuleed

- in News1
938
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Dowlada Mareykanka ayaa waxa ay markii ugu horeysay ka hadashay duqeyntii dhinaca cirka ahaa ee ka dhacday Deegaanka Jeexdin oo dhacda Duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Dowlada Mareykanku waxa ay sheegtay in duqeyntaasi ay aheyd mid laga gaaray dantii laga lahaa waxa uuna cadeeyay in halkaasi ay ku khaarijiyeen dhowr dagaalyahaano ah oo ka tirsan Al-shabaab.

Warbixintaani oo si gaar ah uga soo baxday Wasaarada Gaashaandhiga Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay in Duqeyntaasi ay fuliyeen Diyaarado ay leeyihiin Mareykanka, waxaana ujeedka lagu sheegay burburin xarumo ay lahaayen Shabaabka.

Warbixinta Wasaarada waxaa lagu sheegay in duqeyntooda ay timid kadib markii Al-shabaab ku sugnaa deegaanka Jeexdin ay weerar gaadmo ah kusoo qaaden ciidamo taabacsan dowlada, sidaa aawgeedna ay weerarkaasi uga bixiyeen jawaab lidi ku ah.

Afhayeenka Waaxda Pentagon-ka ee Dalka Mareykanka Captan Jeff Davis, ayaa sheegay in wakhti hore ay hayeen dhaqdhaqaaqyada Al-shabaabkaasi, balse ay iminka fursad u heleen xogta oo uruurtay aawgeed.

Afhayeenka Waaxda Pentagon-ka ee Dalka Mareykanka Captan Jeff Davis, waxa uu intaa ku daray in weerarka ay ku dileen 9 dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab kuwaasi oo uu tilmaamay inay ahaayen taargeedka.

Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guulleed oo isagu ka hadlay weerarka ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay hadalka kasoo yeeray dowlada Mareykanka iyo Puntland.

Dhinaca kale, Guuleed waxa uu sheegay in dadka la weeraray ay ahaayen ciidamo ka tirsan maamulkiisa, waxa uuna beeniyay hadalka kasoo yeeray dowlada Mareykanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

Djibouti: Discours du pr√©sident Ismail Omar lors de l’inauguration du port 24/5/2017