Doorashada Madaxweynaha oo la shaaciyay in la qabanayo 30-ka Oktobar 2016

Doorashada Madaxweynaha oo la shaaciyay in la qabanayo 30-ka Oktobar 2016

- in News, NEWS2
940
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Guddoomiyaha Gudiga hirgelinta doorashada dadban ee dalka Avv Cumar Maxamuud Cabdulle oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada muqdisho ayaa ku dhawaaqay waqtiga rasmiga ah ee ay dhaceyso Doorashada Soomaaliya.

Avv Cumar Maxamed Cabdulle dhegey ayaa sheegay in Doorashada xubnaha Aqalka sare ee dalka ay dhacayso 25 September, sidoo kale Doorashada Aqalka hoose ee xildhibaannada ay dhacayso 24 September illaa -10 October ee Sanadkan.

Doorashada Guddoomnka Baarlamaanka ayaa la shaaciyay in dhacayso 25 October, waxuuna guduumiyuhu sidoo kale cadeeyay in doorashada Madaxweynaha ay dhacayso 30 October ee Sandkan.

Waxaa horay u jiray jadwal hore dhac ah oo warbaahinta soo gudbisay, kaasoo ahaa waqtiga doorashada ay dhaceyso, waxaana jadwalkaas ku xusnaa in doorashada ay dhaceyso Guddoomiyaha Baarlamaanka 28 October halka tan Madaxweynaha dhaceyso 7 November.

Hase ahaatee jadwalkaas oo qaar ka mid ah warbaahinta ay baahiyeen ayaa la sheegay in wax laga bedelay, kadib markii Madaxda Madasha Wada-tashiga doodo adag ka yeesheen, taasoo keentay in waqtigaas laga soo hormarsiiyo.

Madasha Wada-tashiga Qaran ayaa maalintii afaraad shirkooda uga socda magaalada Muqdisho, waxaana la sugayaa in laga soo saaro go’aano kama dambeys ah, iyadoo shirkan uu yahay kii u dambeeyay ee Madasha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

Télé Djibouti Chaine Youtube : J.T. Somali de 20h du 25/04/2017