Diyaaradaha Kenya oo duqeyn ku dilay Dad Rayid ah Gobolka Gedo

Diyaaradaha Kenya oo duqeyn ku dilay Dad Rayid ah Gobolka Gedo

- in NEWS2
306
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Diyaaradaha Dagaalka Dowladda Kenya ay maanta halkaa duqeyn ay ka geysteen ku dilay Dad rayid ah.

Duqeynta ayaa ka dhacday Tuulada Ceel-gaduud oo hoostagta Degaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo oo 15-kii bishaan Al-shabaab ay ku weerareen Ciidamada Kenya.

Inta la Xaqiijiyay 3 Ruux oo Shacab ah ayaa ku dhimatay Duqeynta maanta ka dhacday Tuulada Ceel-gaduud sida ay sheegeen Dadka Degaankaasi.

Sidoo kale waxaa jirta in ilaa 5 Qof oo kale ay ku dhaawacmeen Duqeynta ka dhacday Tuuladasi,iyadoo dadka Reer guuraaga ah ay Cabasho ka muujiyeen Duqeynta Joogtada  Ee Kenya ay ku haysto Shacabka Soomaaliyeed ee Gobolkaasi ku nool.

Wali ma jirto Madaxda Dowladda Federaalka ah wax war ah ka soo baxay oo ku aadan Duqeynta Kenya ay nka wado qeybo ka mid ah Gobolka Gedo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

The Great Grandson of Umar r.a – Umar Ibn Abdul Aziz (HD)