Dil goor dhow Muqdisho loogu geystay nin ka tirsanaa Shaqaalaha garoonka Aadan cadde

Dil goor dhow Muqdisho loogu geystay nin ka tirsanaa Shaqaalaha garoonka Aadan cadde

- in News
316
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Kooxo Bastoolado ku hubeysan ayaa caawa maqribkii ku toogteen degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir nin la sheegay inuu ka tirsanaa shaqaalaha garoonka dayuuradaha Aadan cadde.

Marxuum Xasan Tooxow ayaa waxaa rasaas ku furay rag bastoolado ku hubeysan oo weerar gaadmo ah ku soo qaaday sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Ragga dilka geystay ayaa baxsaday, waxaana sida caadada ah goobtaas gaaray daqiiqado ka dib ciidamada amaanka dowlada Somalia oo halkaas ka sameeyey baaritaano kooban.

Dilalka ay geysanayaan kooxaha hubeysan ayaa maalmahan ku soo badanaya magaalada Muqdisho, shalay ayeyna aheyd markii kooxo hubeysan ay degmada Waaberi ku dileen nin ka tirsana shaqaalaha wasaarada Cadaalada, iyadoo maalmo ka horna la qaarajiyey weriye ka tirsanaa idaacadda Shabelle.

Dilka galabta loo geystay ninkan ka tirsanaa shaqaalaha garoonka Aadan cadde ayaa ku soo beegmaya saacado ka dib markii maanta duhurnimadii gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey lagu qarxiyey maqaayad ku taala Muqdisho, labo ruux oo shacab ahaa ayaa ku dhintay lix kalena wey ku dhaawacmeen, waxaana masuuliyada weerarkan sheegtay Al-Shabaab.

Laamaha amaanka dowlada Somalia ayaan ka hadlin falalka amaan daro ee ku soo batay maalmahan magaalada Muqdisho xili loo diyaar garoobayo doorashooyin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

Omar Ibn Al-Khataab رضي الله عنه || Sh Shady AlSulaiman || Heroes of Islam