Deegaanadda Puntland oo maanta laga qayilayo & Diyaarado Jaad sida oo ka degay

Deegaanadda Puntland oo maanta laga qayilayo & Diyaarado Jaad sida oo ka degay

- in News, News1
1069
0
script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Wararka ka imaanaya Deegaanada Maamulka Puntiland ayaa sheegaya in maanta Diyaarado qaad siday ay ka dageen Garoomo Diyaaradeed oo kuyaala magaalooyin ay maamusho Puntiland.
Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho iyo qaar badan oo kamid ah gobolada dalka ayaa maanta kasoo degin Diyaaradihii jaadka ka keeni jiray Dalka Kenya kadib amar ay soo saartay Dowlada Soomaaliya.

Sida aan Wararka ku heleyno Diyaarado jaad siday ayaa maanta ka degay Garoomada Diyaaradaha Magaalooyinka Gaalkacyo, Qardho iyo Boosaaso, waxaa sidoo kale maanta diyaaradaha jaadka sida si caadi ah uga dageen Magaalooyinka ay maamusho Somaliland.

Afhayeenka maamulka Puntland C/llaahi Quraan-jecel ayaa sheegey inaanu qusayn go’aanka dowlada federaalka Soomaaliya ku hakisay dayuuradihii qaadka ka keeni jiray dalka Kenya.

Quraan-jecel ayaa intaa ku daray in garoomada dayuuradaha Puntland ay u furan yihiin Ganacsatada Qaadka iyo kuwa kaleba, isla markaana aanu saameyn doonin go’aanka kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowlada Somalia.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like

Omar Ibn Al-Khataab رضي الله عنه || Sh Shady AlSulaiman || Heroes of Islam